Friday, August 14, 2026
Home NEWS Maamulka Puntland oo dowladda Federaalka eedeyn kulul u soo jeediyay’

Maamulka Puntland oo dowladda Federaalka eedeyn kulul u soo jeediyay’

2

Aug 14 (Jowhar)-Puntland ayaa ka digtay safar madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku imanayo Galmudug, iyada oo ku eedeysay in uu colaad ka hurinayo magaalada Gaalkacyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku imanayo koonfurta Gaalkacyo, kaas oo ujeedadiisa ay ku tilmaamay mid colaad lagaga hurinayo magaalada Gaalkacyo.

“Madaxweynihii Hore ee dowladda Federaalka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu weli ku howlan yahya abaabulka colaad ka dhan Puntland”,ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Puntland.

Waxaana intaas lagu daray Puntland waxa ay si dhaw ula socotaa abaabullada qorsheeysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud ka wado waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh ku imaanayo Koofurta Gaalkacyo ee Galmud”. Puntland ayaa safarka ujeedkiisa ku sheegtay “mid looga golleeyahay in fidno iyo colaad looga abuuro magaaladaas”.

Dhanka kale Dowlad-goboleedka Galmudug oo warka ka soo baxay Puntland lagu soo hadalqaaday ayaa dhankooda beenisay dhiillada colaadeed ee Puntland ay sheegtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maalmaha soo socda xero ku taalla deegaanka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiri doonaa ciidan ka tirsan dowladda federaalka.