Friday, August 14, 2026
Home NEWS Maxaad ka taqaan 25ka dal ee visa la’aan lagu tegi karo baasaboorka...

Maxaad ka taqaan 25ka dal ee visa la’aan lagu tegi karo baasaboorka Soomaaliya

51

Aug 14 (Jowhar)-Bogga wax ka qora jaantuska Arrimaha Socdaalka Iyo Baasaboorada Caalamka ee Henley Passport ayaa soo saartay liiska kala sarreynta Baasaboorada adduunka isbedel ayaa ku yimid. Dalalka qaar ayaa wali ahaa kuwo fadhiya kaalimihii ay horrey ugu jireen sanadkii ka horeeyay, halka dalalka qaarna ay muujiyeen hoos u dhac xagga liiska ah, halka qaar kalena ay sare u kaceen. Soomaaliya ayaa muujisay sare u kac xagga liiska ah marka la barbar dhigo sanadkii 2024-kii oo ay ku jirtay kaalinta 106-aad ee liiska la soo saaray.

Wixii ka dambeeyay markii uu horaantii bishii January 2023-kii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqatay in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

Itoobiya, Bangladesh, Burkina Faso, Burundi, Cambodia, Cape Verde, Comoros, Ghana, Guinea-Bissau, Laos, Lubnaan, Macao (SAR China),Madagascar, Maldives, Mauritania, Mozambique, Nigeria, Palau, Rwanda, Samoa, Senegal, Seychelles, Timor-LesteTogo iyo Tuvalu.

Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka.

Baasaboorrada dalalka Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan oo keliya ayaa ka hooseeya baasaboorka Soomaaliya oo ku jira kaalinta 103-aad.

Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.