Mar 08(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta saxiixay Dastuurka cusb ee dalka oo dhawaan ay si aqoabiyad leh u ansixyeen labada aqak ee baarlamaanka SOomaaliya.
Madasha saxiixa Dastuurka waxaa madaxweynaha garbihiisa taagnaa gudoomiyaha golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Madaxeynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dalka uu Dastuur u yahay wixii haatan ka danbeeya Dastuurkan cusub.
“Wixii maanta ka dambeeya Dastuurkan cusub ayaa dalka u Dastuur ah,waana heshiis bulsho” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, Maamulada Puntland iyo Jubaland iyo Madasha Samata-bixnta mucaaradka ayaa diiday Dastuurkan oo ay ki tilmaameen inuu yahay mid aan heshiis lagu eheyn, iyadoo sidoo kale maamukada Galmudg iyo Koofur Galbeed wali aysan cadeyn mowqifkooda.










