Sunday, June 14, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cirro oo booqasho ku tegaya Israel

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cirro oo booqasho ku tegaya Israel

56

Jun 14 (Jowhar)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan CIrro ayaa booqasho ku tagaya maanta Israel isagoo la filayo inuu la kulmo madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.
Booqashadan oo ah tii ugu horeysay uu Madaxweyne ka socda Somaliland si rasmi ah ku ku tago Israel waxaana la qorsheynayaa inuu Madaxweyne Cirro la kulmo Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro in Isniinta la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, iyadoo la filayo inay heshiisyo cusub kala saxiixdaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay inaysan waxba ka jirin aqoonsiga Israel ee Somaliland, dhulkaasna uu yahay dhul Soomaaliyeed.