Nov 01(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni ayaa soo saaray amar culus oo lagu mamnuucayo hubka iyo gaadiidka ciidan ee sharci-darrada ah ee lagu dhex wato magaalada Garoowe.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ammaanka caasimadda Garoowe la xoojin doono, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan la ogolaan doonin hub sharci-darro ah, qof kasta oo uu yahay.
Deni wuxuu tilmaamay in sharciga uu sidiisa u dhaqangeli doono, waxaana uu yiri:
Ninkii sharciga ka gudba, shaar dowladeed ama mid shacab ha sitee, sharciga ayuu marayaa. Garoowe hub laguma sii dhex wadan karo, anigaba aan noqdee, waa in la xakameeyaa ilaalada mas’uuliyiinta iyo hubkooda.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Puntland ay waddo dadaallo lagu adkeynayo xasilloonida iyo amniga gudaha, gaar ahaan caasimadda Garoowe oo mararka qaar ay soo baxaan cabashooyin ku saabsan hubka sharci-darro ah iyo ilaalado badan oo magaalada dhex wareega.










