Friday, June 26, 2026
Home NEWS Madaxweyne Qoor-qoor oo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada Galmudug

Madaxweyne Qoor-qoor oo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada Galmudug

37

Jun 26 (Jowhar)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka doorashada maamulkaas oo mudo muran ka taagnaa.

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug ayaa ka tanaasulid ka sheegay munaasabad ka dhacaysay magaalada Dhuusamareeb habeenkii xalay oo uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo taliyaha nabadsugida Mahad Salaad“Waxaan go’aansaday howshan hadda socota annigu in aan ka hadho oo aan ka tanaasulo”ayuu yiri Qoor-qoor.

Hase yeeshee Qoorqoor ayaa sheegay inuu sii haynayo xilkaas inta maamul cusub ka imanayo.

“Xilka ayaan sii haynaynaa, cid kasta oo kusoo baxdana waxaan ku wareejinaynaa Galmudug midaysan caafimaad qabta oo horey u socota.”

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2020-kii kadib markii uu ku guuleystay doorashadii halkaas ka dhacday.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in Bisha soo socota ay ka dhacdo doorashada isku sidkan ee golaha deegaanka Iyo tan maamulka Galmudug.