Dec 22(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilka ka qaaday safiirkii Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya Danjire Richard Riley, sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah.
Danjire Richard Riley ayaa xilkan hayay tan iyo bishii Juun ee sanadkii 2024, waxaana xilkaasi u magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.
Ilo xog-ogaal ah oo aanu la xiriirnay ayaa sheegay in xil ka qaadista danjiraha aan weli si rasmi ah loogu wargelin Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo muujinaysa in isbeddelkan uu weli ku jiro marxalad rasmi ahaan loo shaacinayo.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka ama Safaaradda Mareykanka ee ku aaddan sababta xil ka qaadista danjiraha, iyo cidda beddeli doonta.
Danjirahan ahaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa xal u helista xaaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka, iyadoo mudada xil heynta madaxweyne Xasan ay gaba-gabo kudhowdahay.










