Madaxweyne Xadan oo ka Qaybgalay Casho Sharaf uu Marti-geliyay trump

0
35

Sep 27(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay casho sharaf heer sare ah oo uu marti-geliyay Madaxweynaha Maraykanka, Mudane Donald Trump, iyo Marwada Koowaad ee Maraykanka, Melania Trump.

Casha sharaftan ayaa lagu qabtay Aqalka Cad, waxaana lagu maamuusay madaxda dalalka ka qaybgalay Meertada 80-aad ee Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New York.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankan muhiimka ah uga faa’iidaystay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, iyadoo labada dal ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Munaasabaddan ayaa qayb ka ahayd dhacdooyinka lagu xusayo sanad-guuradii 80-aad ee aasaaska Qaramada Midoobay, taasoo isu keentay madaxda dalalka caalamka si ay uga wada hadlaan caqabadaha iyo fursadaha horyaalla bulshada caalamka.