Saturday, January 31, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan iyo madax kale oo ka dagay magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan iyo madax kale oo ka dagay magaalada Jigjiga

33

Jan 31(Jowhar)-Abiye Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Gelle ayaa ka dagay magaalada Jigjiga.

Mas’uuliyiintan iyo xubno kale ayaa lagu casuumay ka qaybgalka xafladda xarig jarka mashruuca dalxiiska Shabeelleey, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida

Dhanka kale, waxaa ay xogaha la helayo sheegayaan iney madasha ka qaybgalayaan wafdi ka socdo dalka Imaaraadka Carabta. Maalmihii tagay, Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa waday dadaallo la xiriira sidii xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka loo hagaajin lahaa.