Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo

0
98

Nov 05(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi culus oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Kismaayo, halkaas oo uu wada-hadallo muhiim ah kula yeelanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Safarkan ayaa imaanaya iyadoo labada dhinac uu horey uga dhaxeeyay khilaaf xoogan oo markii dambe isu beddelay gacan ka hadal, kadib markii la isku mari waayey arrimihii Guddiga Doorashooyinka.

Waxaa la filayaa in kulanka maanta ay ka qeyb ka yihiin wafdi ka socda Dowladda Kenya oo ay ku jiraan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Kenya Nuuradiin Xaaji, kuwaasoo la filayo inay door ka qaataan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo xal u helidda khilaafka labada dhinac.

Wada hadalada oo socon doona laba maalmood ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee fool ka fool ah oo dhex mara labada dhinac tan iyo markii ay ku kala tageen Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee sanadkii hore October 2024. Iyadoo aan la saadaalin karin natiijada rasmiga ah, haddana warar hoose ayaa sheegaya in is-afgarad la filan karo, maadaama uu jiro cadaadis xooggan oo ka imanaya dalal shisheeye.