Jan 04(Jowhar)-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray hoyga uu magaalada Muqdisho ka daganyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan aan horay loo sii shaacinin gurigiisa ku la leh Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo galinkii dambe ee galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib safarkii Dhuusamareeb.
Kulanka ayey xoguhu sheegayaan in looga hadlayo dalabkii mucaaradka ee shirkii Kismaayo, kaasoo ahaa in mudo 30 cisho gudeheed ay kulmaan kucaaradka iyo madaxweynaha si dalka loo jiheeyo, maadaama mudo xileedka madaxweynaha uu gabaabsi yahay.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta Garoowe ay ka dageen guddigii Farsamo ee lagu dhisay Kismaayo ee lixda xubnood ka koobnaa, iyadoo madaxtooyada ay dooneyso iney hoos u dhigto saameynta shirka mucaaradka.










