Monday, February 2, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo ergo dirsaday, aqbalayna iney hubkooda la yimaadaan Deni iyo...

Madaxweyne Xasan oo ergo dirsaday, aqbalayna iney hubkooda la yimaadaan Deni iyo Madoobe

25

Feb 02(Jowhar)-Ergo uu Madaxweyne Xasan Shekh Soodirsaday oo uu kamid yahay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa goordhaw tegay guriga Madaxwyene Hore Shekh Shariif.

Iyagoo Lawadaagay fariinta Madaxweynaha ee ogolaanshahaha Hub iyo Ciidanba inay Fasax uyihiin Madaxda Puntalnd iyo Jubland iyagoo ka garaabay wixi shalay dhacay.

Waxay ergadaan Madaxwyene Shariif lawadaageen inuu Axmed Iyo Siciid ku qanciyo inay soo laabtaan oo ay gogosha kasoo qeybgalaan iyadoon wax shuruud ahi kuxirneyn taasoo ka dhigan inuu Maxaxweyne Xasan Soo dabcay .

Hadda waxaa socda Wada hadalo dhexmaraya Golaha Mustaqbalka si Axmed iyo Deni loogu Qabciyo inay Soo laabtaan.