Sep 25(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayeen tiknaloojiyadda casriga ah iyo saamaynta ay ku leedahay ammaanka caalamka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in garaadka macmilka ah uu yahay xaqiiqo casri ah oo si degdeg ah u beddelaysa nolosha, dhaqaalaha iyo qaababka ammaanka caalamiga ah, isagoo tilmaamay in ay leedahay fursado waaweyn oo lagu xoojin karo nabadda iyo horumarka, balse sidoo kale ay wadato khataro culus.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay muhiimadda dejinta shuruuc iyo siyaasado caalami ah oo lagu hago adeegyada garaadka macmilka ah ee AI, isagoo xusay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo in si siman ay tiknaloojiyadda casriga ah u gaarto dalalka caalamka oo idil.