Madaxweyne Xasan oo khudbad saaka u jeedinaya xildhibaanada labada Aqal

20

Dec 28(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhow khudbad u jeedin doona xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kulan loo asteeyay inuu noqdo mid aan caadi ahayn.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada ka siin doona warbixin ku saabsan xaaladihii u dambeeyay ee dalka, gaar ahaan go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, arrintaas oo dhalisay walaac siyaasadeed iyo mid qaran.

Kulankan ayaa ah mid si gaar ah la isugu yeeray, wuxuuna noqonayaa markii labaad inta uu xilka hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Baarlamaanka isugu yeero kulan aan caadi ahayn, taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay xaaladda taagan iyo baahida loo qabo wada-tashi qaran.