Madaxweyne Xasan oo kulan wadatashi isugu yeeray madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed

0
24

Nov 22(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa berri shir wadatashi isugu yeeray hoggaamiyeyaasha saddexda dowlad Goboleed ee ay isku xisbiga yihiin.

Wararka sheegaya in hoggaamiyeyaashan kala hadlayo qorshaha uu la tagayo Kismaayo oo lagu wado in Madaxweynuhu maalmaha soo socdo dib ugu laabto, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday shirkii horaantii bishan October uu la soo yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Safarkan labaad oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegayaa inay u badan tahay inuu heshiis ka keeno, hase yeeshee waxaa la ogeyn nooca heshiiskaas uu noqonayo, waxaase la isla dhex marayaa inuu jiro qorshe labo sano ah oo Axmed Madoobe la siinayo iyo qabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka oo laga qabto Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.

Qorshaha shirka Kismaayo uu la tagayo Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inay wax ka ogyihiin dowladaha deriska ah ee galaangalka ku leh arrimaha Jubbaland kaddib safaradii uu dhawaan ku tagay Addis Ababa iyo Nairobi.