Madaxweyne Xasan oo maanta safar ugu ambabaxaya dalka Itoobiya

43

Jan 22(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiista ah safar ugu bixi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya ka qaybgalka munaasabad ballaadhan oo lagu xusayo 90-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Cirka Itoobiya, taas oo qabsoomi doonta inta u dhaxaysa 23-ka ilaa 27-ka bishan Janaayo.

Addis-ababa waxa uu madaxweyne Xasan uga sii gudbayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobe oo uu khudbad ka jeedin doono.