Madaxweyne Xasan oo shaaciyay Saddex arrin oo Israel kaga bedelatay Somaliland Aqoonsiga

46
Screenshot

Dec 31(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhiggay Saddex dalab oo ay Israel ka heshay Somaliland si ay usiiso aqoonsj.

Warreysi uu siiyay TV-ga Al-Jazeera ayuu madaxweynaha ku sheegay in Xogta Sirdoonka Soomaaliya helay ay muujinehso in saddex arin ay Israa’1il kula heshiisey Somaliland:

1 – In Falastiiniyiinta sida qasabka ah lagu soo barakicinayo la geeyo Somaliland.

2 – Bixinta saldhig milateri oo Israa’1il ka sameysanayso xeebta Gacanka Cadmeed.

3 – Ku biirista Somaliland Heshiisyada Abraham.

Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’1il ay Somaliland ka aqbashay.

Haddii saddexdan la fuliyo, maxaa dhici doona mustaqbalka?

Sanduuqii Pandora ayaa adduunka laga furi doonaa.