Tuesday, February 10, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo shaaciyay Saddex arrin oo Israel kaga bedelatay Somaliland...

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay Saddex arrin oo Israel kaga bedelatay Somaliland Aqoonsiga

764
Screenshot

Dec 31(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhiggay Saddex dalab oo ay Israel ka heshay Somaliland si ay usiiso aqoonsi.

Warreysi uu siiyay TV-ga Al-Jazeera ayuu madaxweynaha ku sheegay in Xogta Sirdoonka Soomaaliya helay ay muujinehso in saddex arin ay Israel kula heshiisey Somaliland:

1 – In Falastiiniyiinta sida qasabka ah lagu soo barakicinayo la geeyo Somaliland.

2 – Bixinta saldhig milateri oo Israa’1il ka sameysanayso xeebta Gacanka Cadmeed.

3 – Ku biirista Somaliland Heshiisyada Abraham.

Kuwani waa saddexda dalab ee Israel ay Somaliland ka aqbashay.

Haddii saddexdan la fuliyo, maxaa dhici doona mustaqbalka?

Sanduuqii Pandora ayaa adduunka laga furi doonaa.