Madaxweyne Xasan oo sheegay in ciidamo ka amar qaata DF ay ku sugan yihiin Puntland

0
30

Sep 24(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa xaqiijiyey in ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay joogaan deegaanada Puntland iyo sidoo kale in dowladda ay taageero caalami ku heshay dagaalka Daacish ka dhanka ah.

“Puntland wax ay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo, Puntland waxaa jooga Ciidamo Federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kasta dagaalka gali kara, si weyn ayaan ugu garab taagan haya PL dagaalka IS caalamkuna waa nagu kaalmeeyaa” ayuu BBC-da u sheegay madaxweyne Xasan.

Dowladda Federaalla ayaa si qarsoodi ah ciidamo uga qoratay gobollada Puntland qaar, iyada oo ay qoreen ciidamadan mas’uuliyiinta dowladda ee ka soo jeeda Puntland.