Dec 27(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khadka taleefanka kula hadlay inta badan xubnaha Madasha Samatabixinta Qaranka iyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo kala hadlay arrin xasaasi ah ee la xiriirta go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu xubnahaas kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la qaato mawqif mideysan oo qaran, isla markaana ay si buuxda u taageeraan mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan arrintan, taas oo si weyn u taabanaysa midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xubnaha Madasha Samatabixinta ee ku sugan Muqdisho ku casuumay Madaxtooyada Soomaaliya, si wada-hadal fool ka fool ah arrintan iyo qodobo kale oo quseeya masiirka dalka looga yeesho.
Casuumaaddan ayaa imanaysa xilli ay weli taagan tahay hadal uu Madaxweyne Xasan Sheekh jeediyay 24-kii bishan, markaas oo uu si adag u dhaliilay xubnaha Madasha Samatabixinta, kuna sifeeyay “siyaasiyiin aan wax macno ah ku soo kordhin horumarka dalka, isla markaana dib u dhigaya bulshada.”
Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Maanta xubnaha Madasha Samatabixinta ay go’aan ka gaari doonaan jawaabta rasmiga ah ee ay siinayaan Madaxweynaha, iyadoo la filayo in ay aqbalaan kulanka. Hase yeeshee, waxa weli jira dood adag oo ku saabsan ajendaha kulanka, gaar ahaan in la kala hormariyo arrimaha qaran iyo qodobkii rasmiga ahaa ee loogu yeeray.
Arrintan ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama ay saameyn toos ah ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida loo wajihi doono go’aamada caalamiga ah ee la xiriira Soomaaliya.









