Thursday, March 5, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo xeebta Liido kula afuray xildhibaano ka tirsan labada aqal

Madaxweyne Xasan oo xeebta Liido kula afuray xildhibaano ka tirsan labada aqal

29

Mar 05(Jowhar)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan affur ah ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dadaalka, dulqaadka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen muddadii ay socotay shaqada Qaran ee dhammeystirka Dastuurka dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka, isaga oo adkeeyey in Dastuurka la dhammeystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey khubaradii Soomaaliyeed iyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeeyey in la gaaro heshiis qaran oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed, iyada oo aan loo baahan kaalmo shisheeye, waxa uuna ku boorriyey Xildhibaannada iyo dhammaan hay’adaha dowladda in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran oo ka tarjumaysa rabitaanka iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.