Madaxweynihii hore Farmaajo oo saaka dalka dib ugu soo laabtay

0
1

Nov 13(Jowhar)-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib muddo uu ka maqnaa dalka.

Farmaajo ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyadoo ay halkaas ku soo dhoweeyeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa xukuumaddiisii hore, kuwaas oo muujiyay taageero ay u hayaan madaxweynihii hore.

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in Madaxweyne hore Farmaajo uu qorsheynayo inuu magaalada Muqdisho ka bilaabo kulamo siyaasadeed, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee haatan taagan iyo arrimaha dastuurka.

Farmaajo ayaa si cad u muujiyay saluug uu ka qabo sida ay wax u wadaan xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan isbedelladii lagu sameeyay dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka ee dowladda hadda jirta. Marar badan ayuu soo saaray qoraallo rasmi ah oo uu ku dhaliilayo tallaabooyinkaasi, isagoo ku tilmaamay kuwo khatar ku ah nidaamka dowladnimo ee dalka.

Soo laabashada Farmaajo ayaa loo arkaa mid kululayn karta xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho, xilli ay muuqato in muran xoog leh uu ka taagan yahay jihada uu dalku u socdo.