Aug 23 (Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Waqooyi Bari, ka dib doorashadii maanta ka dhacday Laascaanood.
Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadan ay tahay talaabo muhiim u ah dhismaha hay’adaha sharci dejinta ee Waqooyi Bari, isagoo ku bogaadiyay xildhibaanada sida dimuqraadiyadda ah u doortay guddoomiyahooda iyo ku-xigeennadiisa.
Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu duceeyay guddoonka cusub in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus iyo waajibaadka ballaaran ee horyaalla, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay kaalin muuqata ku yeelan doonaan xoojinta dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya.
Doorashada guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa loo arkaa mid astaan u ah biseylka siyaasadeed iyo tallaabo hor leh oo lagu xoojinayo maamulka iyo wada-shaqeynta heer federaal iyo heer gobol.