Maraykanka oo ka digay weeraro Shabaab ay ka geysato magaalada Nairobi

0
1
Screenshot

Aug 20 (Jowhar)Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa soo saartay digniin amni oo cusub oo ku socota muwaadiniinta Mareykanka iyo ajaanibta kale ee ku sugan Kenya, iyadoo ay sheegeen suueta galnimada weeraro ay caasimadda dalkaasi ka geysato kooxda Shabaab.

Safaaraddu waxay ku baaqday in laga fogaado goobaha dadka isugu yimaadaan, sida hoteellada, maqaayadaha, suuqyada, iskuullada, saldhigyada booliska, safaaradaha iyo goobaha cibaadada, kuwaas oo weli ah bartilmaameedyo weerarro suuragal ah.

Digniinta ayaa lagu sheegay in khataraha argagixisada, gaar ahaan kooxda Shabaab ay weli yihiin kuwo joogto ah oo ku hanjabaaya iney weeraro ka geysanayaan magaalada Nairobi iyo guud ahaan Kenya.

Safaaraddu waxay kula talisay ajaanibta inay adkeeyaan ammaankooda shakhsi iyo feejignaantooda, xilli ay sii socdaan hanjabaadaha joogtada ah.