Apr 05(Jowhar)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanka ay sii xoojisay tallaabooyinka ay kula noqonayso dal-ku-galka (visa) xubno horleh oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xubnaha la sheegay in ay saameysay tallaabadan ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro, Wasiiru-dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeenno ka tirsan dowladda. Sidoo kale, xogta ayaa tilmaamaysa in farriimo Danabeed (emails) loo diray qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, kuwaas oo lagu wargeliyay arrimo la xiriira dal-ku-galkooda.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin sababaha ka dambeeya go’aankan, hase yeeshee falanqeeyayaal ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay la xiriiri karaan arrimo siyaasadeed, hufnaan, ama walaacyo ku saabsan maamulka iyo hab-dhaqanka mas’uuliyiinta.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safaaradda Mareykanka midkoodna wali kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan arrintan.
Tallaabadan haddii ay sii socoto, ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed iyo amni.










