Tuesday, March 10, 2026
Home NEWS Mareykanka oo dowladda Ciraaq ka codsaday iney u ilaaliso Shaqaalaha Safaaradooda Baqdaad

Mareykanka oo dowladda Ciraaq ka codsaday iney u ilaaliso Shaqaalaha Safaaradooda Baqdaad

22

Mar 10(Jowhar)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ka dalbaday madaxda Ciraaq inay u ilaaliyaa  safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, kadib mudaharaadyo caro leh oo dhacay oo la xiriira duulaanka Iran.

Wada-hadal dhanka tikifoonka ah oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia al-Sudani, Rubio wuxuu mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay in dowladda Ciraaq ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka suurtogalka ah si loo ilaaliyo shaqaalaha diblomaasiyiinta Mareykanka iyo xarumahooda.

Xogta oo uu dusiyay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Tommy Pigott, sida ay werisay wakaaladda wararka AFP ayaa muujineysa in Mareykanka uu ka walaacsan yahay xaaladda Diblomaasiyiintiisa ku sugan bariga dhexe.

Dagaalka Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen Iran oo galay maalintiisa 11-aad ayaa u muuqda in la loodin la’yahay ree Tehean