Feb 27(Jowhar)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa amartay in shaqaalaha, diblumaasiyiinta iyo qoysaska Mareykanka ah ee Israa’iil ku sugan laga soo daadgureeyo sababo la xiriira khataro amni oo isa soo taraya.
Safaaradda Mareykanka ayaa ka digtay in xaaladda amni ay mar kasta ka sii dari karto, islamarkaana si kedis ah loo xaddidi karo ama loo mamnuuci karo safarrada qaybo ka mid ah Israa’iil, Magaalada Qadiimiga ah ee Qudus iyo Daanta Galbeed. Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagula taliyay inay ka baxaan dalka inta duullimaadyada ganacsigu weli shaqeynayaan.
Tan ayaa ka dhigan in uu daqiiqad kaste bilaaban karo dagaal Maraykanku ku qaado Iran iyadoo Iran ay sheegtay in ay ka aar-gudan doonta Iran oo ay gantaalo ku garaaci doonto.










