Mareykanka oo ka hadlay saameynta xiriirkooda Israel kadib weerarkii dalka Qatar

0
36

Sep 14(Jowhar)-Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu si weyn uga xumaaday weerarkii dhawaan ka dhacay dalka Qatar.

Rubio ayaa tilmaamay in falkaasi uu abuurey walaac siyaasadeed iyo mid amni oo ku saabsan gobolka Khaliijka.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Mareykanka iyo Israel uusan waxba iska beddelin, islamarkaana uu weli yahay mid adag oo ku dhisan iskaashi amni iyo mid istiraatiiji ah.

Rubio wuxuu xusay in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu sii wado wada shaqeynta dhow ee Israel, xilli gobolka uu wajahayo xiisado iyo dagaallo sii xoogeysanaya.