Mareykanka oo madaxweyne Xasan kala hadlay xiisada siyaasadeed iyo muranka doorashooyinka

0
42

Nov 27(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Mr. Massad Boulos, oo ah la-taliyaha sare ee arrimaha Afrika ee dowladda Maraykanka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee ku saleysan danaha wadajirka ah, iyagoo mar kale xaqiijiyay doorka Maraykanka ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Intii uu socday wicitaanka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee uu dhawaan qaaday Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo uu sheegay inay gacan ka geysteen xasilloonida iyo nabadda caalamka sida madaxtooyadu sheegtay.