Mareykanka oo maraakiib Dagaal geeyay biyaha u dhow Venezuela

0
105

Aug 24 (Jowhar) Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa si adag u cambaareeyay in Maraykanku uu sadex markab dagaal uu geeyay biyaha caalamiga ah ee u dhow xeebaha Venezuela.

Maduro ayaa ku tilmaamay tallaabadaas isku day sharci-darro ah oo lagu doonayo in xukunka lagaga tuuro, isagoo ku eedeeyay Mareykanka inuu qorsheynayo weerar ciidan iyo “xukun beddelid.”

Mareykanka ayaa sheegay inuu diyaarinayo ciidamo marines ah oo gaaraya ilaa 4,000 askari, halka sidoo kale maalmo kahor maraykanku balan qaaday abaalmarin lacageed oo gaaraysa $50 milyan in lasiinayo qofkii keena xog horseedaysa qabashada Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro

Maduro, oo arrintan kaga jawaabaya ayaa ku goodiyay in dalkiisu uu difaaci doono dhulkiisa, cirka iyo badaha Venezuela, isagoo sheegay in weerar lagu qaado Venezuela uu yahay weerar lagu qaaday guud ahaan Latin America.

Xiisada siyaasadeed iyo mid ciidan ee udhaxaysa labada dal ayaa cirka isku shareertay, iyadoo Venezuela ay isku diyaarineyso difaac, halka Mareykankuna cadaadis militari iyo mid sharciyeedba uu saarayo Maduro.