Mareykanka oo sheegay in Nidaamkii E-Visa ee Soomaaliya la jabsaday

0
34

Nov 14(Jowhar)- Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in la jabsaday nidaamkii elektarooniga ahaa ee fiisaha dal-ku-galka Soomaaliya (E-Visa), iyadoo la xaday xogta ku dhowaad 35 kun oo qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah.

Sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, xogta la helay waxaa ka mid ah sawirrada codsadayaasha, cinwaannadooda, emaylladooda, goobta iyo taariikhda dhalashadooda.

Safaaraddu waxay sheegtay in xogtaas ay khatar ku tahay amniga iyo sirta shaqsiga ee dadkaas, iyagoo digniin adag u diray dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee hore u isticmaalay nidaamkaas, iyadoo ku boorisay inay ka taxaddaraan isku dayo khiyaano ah ama farriimo been abuur ah (phishing).

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadal arrintan, balse waxaa lagu warramayaa in baaritaanno socdaan si loo ogaado cidda ka dambeysa jabsiga iyo halka xogtaasi lagu faafiyey.

Nidaamka e-Visa ee Soomaaliya ayaa la bilaabay dhawaan, ujeeddadiisuna waxey ahayd in uu fududeeyo helitaanka fiisaha dal-ku-galka, hase yeeshee dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo adag oo ku saabsan amniga iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta.