Sunday, July 26, 2026
Home NEWS Markab shidaal oo ku qarxay marinka Hormuz

Markab shidaal oo ku qarxay marinka Hormuz

11

July 26(Jowhar)-Markab sida shidaal oo ku socday waddo ka baxsan marinka ay Iran ku dhawaaqday inay maraan maraakiibta ayaa qarxay kadib markii uu dul maray miino badda la dhigey.
Sida ay ku warrantay wakaaladda Defa Press, markabka shidaalka ee ku socday waddada aan loo oggolayn ee marinka Hormuz ayaa qarxay saacado ka hor kadib markii uu ku dhacay miino badeed, xilli uu ka leexday waddadii ay Iran u qoondeysay maraakiibta.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa horay uga digtay marar badan in haddii maraakiibtu ay ka leexdaan waddada ay Iran ku dhawaaqday, ay iyagu qaadi doonaan mas’uuliyadda wixii ka dhasha tallaabadaas.

Qaraxa markabkan shidaalka qaada ayaa imanaya kadib laba maalmood oo aan wax is-weydaarsi rasaas ah dhex marin Iran iyo Mareykanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa amray in la dedejiyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee istiraatiijiga ah, sida shabakadaha tareenada iyo marinnada gaadiidka caalamiga ah eek u burburay duqeyntii Mareykanka.