Sunday, April 5, 2026
Home NEWS Markabka Qodaya shidaalka Soomaaliya oo Jimcaha soo gaaraya biyaha Soomaaliya

Markabka Qodaya shidaalka Soomaaliya oo Jimcaha soo gaaraya biyaha Soomaaliya

67

Apr 05(Jowhar)-Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u shaacisay in markabka qodista shidaalka ee badda, Çağrı Bey, uu Jimcaha soo gaari doono biyaha Soomaaliya, si uu u bilaabo ololihii ugu horreeyay ee qodista shidaalka ee xeebaha dalka.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid muhiim ah oo qeyb ka ah iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho. Markabka ayaa lagu wadaa inuu diiradda saaro ceel badeedka lagu magacaabo Curad-1, kadib safar qaatay 45 maalmood oo uu kaga soo ambabaxay dekedda Mersin ee dalka Turkiga.

Mashruucan ayaa loo arkaa mid leh rajo weyn oo dhaqaale, iyadoo la filayo inuu wax weyn ka beddeli karo mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya, haddii la helo shidaal ama gaas dabiici ah. Sidoo kale, wuxuu xoojinayaa joogitaanka Turkiga ee dhinaca tamarta caalamka, gaar ahaan Afrika.

Dhinaca kale, heshiiskan ayaa muujinaya xiriirka istiraatijiyadeed ee sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku fidsan dhinacyada amniga, horumarinta, iyo tamarta.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in haddii howlgalkaasi guuleysto, Soomaaliya ay yeelan karto il dhaqaale oo cusub oo kaalin weyn ka qaadata kobaca dhaqaalaha dalka, halka Turkiguna uu sii ballaarinayo saameyntiisa tamareed ee dibadda.