Aug 15 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha laamiga magaalada Dhuusamareeb iyo Taallada Cagaaran ee magaalada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug sida hufan ee ay u maareeyeen hirgelinta mashruuca, isla markaana u xaqiijiyeen in mashruucu u qabsoomo sidii loo qorsheeyay, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo tayada iyo heerarka farsamo ee dhismaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in mashaariicdan ay astaan u yihiin horumarka kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay wax weyn ka tari doonaan isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaale ee deegaanka, isaga oo uga mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ee ka qayb qaatay qorsheynta, maalgelinta iyo hirgelinta mashaariicdan.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye dhaxalka dowladeed ee waaraya iyo taariikhda muhiim ah ee uga tagayo deegaanka, isaga oo bulshada Galmudug ugu baaqay in ay ilaashadaan mashaariicda iyo horumarka la xaqiijiyay, ayna sii ambaqaadaan dadaallada lagu horumarinayo deegaanka.





