Sept 09-(Jowhar)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibril Abdirashid Haji Abdi iyo madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si rasmi ah u daahfuray maanta bilowga mashruuca dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun, oo ah mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Mashruuca Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP).
Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowlada Federalka Jibriil Cabdirashiid oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane George Conway, Safiir Pier Mario Daccò Coppi, Agaasimaha FAO Soomaaliya Etienne Peterschmitt, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlada Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Hirshabelle.
Xubnaha wafdigan ayaa gaaray deegaanka Sabuun oo ah halka uu ka bilowdo biyo xireenka Sabuun halkaas oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah beeralayda degmada jowhar.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa uga mahadceliyay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku bahoobay hirgelinta JOSP dadaalka, iskaashiga iyo kaalinta ay ka qaateen sidii mashruucan muhiimka ahi u miro-dhali lahaa.
“Muddo soddon sano kadib, Hirshabeelle waxay nasiib u yeelatay in laga fuliyo mashruuca ugu weyn ee Soomaaliya laga hirgelinayo, Mashruuca JOSP wuxuu muhiim u yahay shacabka Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya, Waxaan rajeynayaa in si wanaagsan loo wada shaqeeyo, si bulshada ay uga faa’iideysato mashruucan.”ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa hadalo kooban ka soo jeediyay munaasabada bilowga dhismaha iyo dayactirka Biyo Xireenka Sabuun iyagoo muujiyay muhiimada uu leeyahay mashruucan,
Dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun wuxuu astaan u yahay in JOSP uu galay marxalad cusub oo hirgelin muuqata ah, kaddib sannado qorshayn, daraasado farsamo iyo wada-shaqayn dhexmartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Hirshabeelle, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada horumarinta.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa uga mahadceliyay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku bahoobay hirgelinta JOSP dadaalka, iskaashiga iyo kaalinta ay ka qaateen sidii mashruucan muhiimka ahi u miro-dhali lahaa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo wada-shaqaynta joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Isuduwaha Mashruuca JOSP, Mudane Aadan Cabdulle, dadaalka, hoggaaminta iyo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta guusha mashruuca. Wuxuu xusay in dadaalka joogtada ah iyo wada-shaqaynta dhammaan dhinacyadu ay door muhiim ah ka qaateen in JOSP uu maanta gaaro marxaladdan taariikhiga ah ee bilowga dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun.
Mashruuca JOSP waxaa iska kaashanaya hay’ado ay ka mid yihiin FAO, IOM, UNEP, UN-Habitat iyo UNIDO, iyadoo taageero muhiim ah ay ka geysanayaan FCDO, Dowladda Norway, Dowladda Talyaaniga iyo Somali Joint Fund.
Biyo-xireenka Sabuun waa tiir muhiim u ah nidaamka maaraynta biyaha iyo waraabka ee Jowhar. Dib-u-dhiskiisu wuxuu gacan ka geysan doonaa xakamaynta iyo maaraynta biyaha Webiga Shabeelle, dib-u-soo-nooleynta nidaamyada waraabka, yaraynta khatarta fatahaadaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha.
Mashruucu wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay bulshooyinka ku tiirsan beeraha ee Hirshabeelle iyo deegaannada kale ee ku teedsan nidaamka Webiga Shabeelle, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Koonfur Galbeed. Muddo dheer, bulshooyinkani waxay la tacaalayeen fatahaado soo noqnoqda xilliyada roobka iyo biyo-yaraan xilliyada abaarta.
Dib-u-dhiska Sabuun wuxuu qayb ka yahay aragti ballaaran oo JOSP looga gol leeyahay in lagu beddelo habka looga jawaabo fatahaadaha iyo abaaraha, iyadoo laga gudbayo gurmad joogto ah loona wareegayo kaabayaal waara, maarayn biyo oo qorshaysan iyo adkeysi bulsho.
Marka nidaamka Sabuun iyo kaabayaasha la xiriira ay shaqeeyaan, beeraleydu waxay heli doonaan biyo waraab oo la isku halayn karo, taas oo u oggolaanaysa inay kordhiyaan wax-soo-saarka, ballaariyaan beeraha, abuuraan shaqooyin, isla markaana xoojiyaan sugnaanta cuntada iyo dhaqaalaha deegaanka.





