Thursday, March 5, 2026
Home NEWS Mas’uul cusub oo loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Mas’uul cusub oo loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada

42

Mar 05(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u magacaabay Agaasime kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayeynta iyo hufnaanta shaqada hay’adaha Dowladda iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta iyo maamulka dowliga ah.

Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen wuxuu hore u soo noqday Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, iyo sidoo kale Komiishinar Guddigii Xuduudaha iyo Federaalka isaga oo ku takhasusay Siyaasadda, Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah.