Friday, February 20, 2026
Home NEWS Maxkamada Sare Maraykanka oo hakisay Tariifada uu soo rogay Trump

Maxkamada Sare Maraykanka oo hakisay Tariifada uu soo rogay Trump

0

Feb 20(Jowhar)-Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa hakisay canshuurtii uu ku soo rogay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyadoo maxkamadu xukuntay in madaxweyne Donald Trump uu ku xad-gudbay sharciga federaalka markii uu si keligiis ah u soo rogay canshuuraha xad-dhaafka ah ee adduunka oo dhan.

Go’aankan ayaa waxa uu ku yahay khasaare weyn Aqalka Cad ah iyadoo canshuurta tariifada ah ay ahayd arrin udub dhexaad u ah siyaasadda dibadda ee madaxweynaha iyo ajendayaasha dhaqaalaha.

Garsoorayaasha,go’aankooda oo ahaa 6-3 ah oo uu shaaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee John Roberts, ayaa taageeray go’aankii maxkamadda hoose ee ahaa in isticmaalka madaxweynaha Jamhuuriga ee sharcigan 1977 uu ka sare maray awooddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamadu ma aysan sheegin sida laga yeelayo in ka badan $130 bilyan oo canshuur ah oo horay loo ururiyay.