Tuesday, July 7, 2026
Home NEWS Meydka marxuum Iimaan Maxamed Yuusuf oo lagu aasay duleedka Muqdisho

Meydka marxuum Iimaan Maxamed Yuusuf oo lagu aasay duleedka Muqdisho

30

July 07 (Jowhar)-Allaha u Naxariistee Meydka Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu aasay duleedka magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya waxaana meydkiisa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa sidoo kale salaada janaasada lagula tukaday meydka marxuumka, waxaana ka mid ahaa dadkii salaadaasi ku tukaday meydka Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed kala qayb galay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada, xoojinta dowladnimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed xusuusan doonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah tiiraanyada iyo dareenka tacsida ula wadaagay ehellada Marxuumka, isaga oo Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu kasiiyo ehelkii, qaraabadii, dhaqanka soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.