Sep 26(Jowhar)-Madasha Mucaaradka ayaa dowladda weydiistay in si buuxda loo sugo ammaanka shacabka ka qeybgalaya dibadbaxyada nabadeed ee lagu wado in Sabtida, 27-ka September 2025, lagu qabto magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Madasha Samatabixinta, ayaa lagu wargeliyay Wasaaradda Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliska Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, in dibadbaxyadaasi ay ka dhici doonaan goobaha Suuqa Siinaay, Tarabuunka iyo Dayniile, saacadda 9:00 subaxnimo ilaa 1:00 duhurnimo.
Madashu waxay dowladda ka codsatay in la sugo amniga bannaanbaxyada, isla markaana loo fududeeyo shacabka wadooyinka ay ku imanayaan, si ay si nabad ah ugu muujiyaan dareenkooda iyo ra’yigooda siyaasadeed.
Lama oga in dowladda ay aqbalindoonto codsiga mucaaradka, iyadoo xalay wadooyinka iyo xaafadaha mucaaradka dowladda ay ku daadisay ciidamo dheeraad ah.