Mudane Axmed Macalin fiqi Soomaaliya waxeey leedahay hogaan toosan
Wararka
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlaayey xaaladda uu ku jiro dalku ayaa yiri“Dalkeena wuxuu heystaa hoggaamiye sax ah oo hadii uu fursad kale helo Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaasho.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in marxalad kasta oo la joogo lagu qiimeeyo hogaamiyaha,sidaa daraaaded Mudane Fiqi waxa uu ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaliya uu keeno karo madax-banaani dhan kasta leh.
Wasiirku waxa uu ka dhawaajiyay in ay jiraan dad xukun doon ah oo aan isku dayin in ay hal maalin ka hadlaan duullaanka iyo faragelinta shisheeye ee lagu hayo dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa si toos ah uga hadlay hogaanka dalka iyo wadada suuban ee ku socdo iyo hirashada dalka ee uu higsanaayo.


