Sep 02(Jowhar)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku qaabilay xafiiskiisa isagoo kafaalo-qaad nololeed iyo taageero mustaqbalka waxbarasho ah ugu yaboohay Caa’isha Aadan Ugaas, oo ka gashay kaalinta koowaad ee imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.
Guddoomiye Muungaab ayaa u fidiyay deeq waxbarasho oo dhammaystiran oo dalka gudihiisa lagu bixinayo, abaal-marin lacageed, billad sharaf iyo kafaalo-qaad nololeed.
“Waxa aan dhiirigelinayaa dadaalka iyo dhabar-adaygga Caa’isha iyo ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha. Waxaa naga go’an in aan taageerno sidii loo horumarin lahaa nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha u halgamaya waxbarashada” ayuu yiri Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Caa’isha Aadan Ugaas iyo hooyadeed Nadiifa Axmed Rooble, ayaa ka mahadceliyey taageerada iyo deeqda waxbarasho ee uu ugu yaboohay Guddoomiye Muungaab.
Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale xusay in guusha Caa’isha ay tahay tusaale dhiirrigelin u ah bulshada, gaar ahaan gabdhaha, isla markaana ay muhiim tahay in la siiyo fursado ay ku horumariyaan xirfadooda iyo noloshooda mustaqbalka.