Tuesday, March 17, 2026
Home NEWS Muxuu noqon karaa doorka Golaha Mustaqbalka ee khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen?

Muxuu noqon karaa doorka Golaha Mustaqbalka ee khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen?

0

Mar 17(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa si muuqata u taageeraya Madaxweyne Laftagareen marka uu tago Baydhabo kuna dhawaaqo in uu qabanayo Doorasho Dadban, waxa loo badiyey in uu hadda ku sugan yahay Itoobiya oo ciidankeedu nabad ilaalin u joogo Koonfurgalbeed, sida ay xuseen mas’uuliyiin ka tirsan GMS oo intaas ku daray in ay hadda si dhow isaga war-qabaan.

Dowladda Federaalka ayaa gebi-ahaanba joojisey diyaarad toos u tagta KGS, iyada oo maantana la baajiyey dhowr diyaaradood oo tegi lahaa Baydhabo.

Maamulka Koonfurgalbeed ayaa marka uu ku dhawaaqay in uu xidhiidhka u jaray DFS, soo bandhigey ciidamo federaal oo garab-taagan Laftagareen.

DFS oo qorshaysay doorashooyin toos ah ka dib dhammaystirka Dastuurka ayaa hadda geleysa weji kale maadaama oo uu soo gaabtay safkeeda oo Puntland, Jubbaland & Koonfurgalbeed aysan haysan, lana filan karo Galmudug oo raacda maadaama aysan weli soo dhoweyn dhammaystirka Dastuurka JFS.