Odayaal dhaqan iyo Ganacsato kusoo biirtay wadahadalada ka socda Muqdisho

0
58

Sep 26(Jowhar)-Xubno ay hoggaaminayaan Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Ganacsadaha caanka ah Ibraahim Kaah iyo Ganacsade Mursal Kadiye ayaa ku biiray dadaalada lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay bannaan bax ay ku baaqeen Mucaaradka, iyagoo goordhow tagay guriga Sheekh Shariif.

Kulankii u dhaxeeyay Guddigii Xildhibaannada Beesha Hawiye ee ku baxay waan waanta xiisadda Mucaaradka iyo dowladda ayaa soo dhammaaday, waxaana loo balamay kulan kale oo caawa fiidki ka dhici doona guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Dadaalada socda ayay waxay dhammaan gundhig u yihiin baajinta bannaan baxa, inkastoo khilaafka markii hore uu ka billowday arrimaha dhulka iyo doorashooyinka, taasoo iyana ay u baahnaan doonto heshiis siyaasadeed iyo sida Madaxweynuhu u aqbalo kiiska doorashada inuu miiska soo saaro.

Dadka Muqdisho ayaa isha ku haya kulamada iyo dadaalada socda natiijada ka soo baxda, maadaama maalinta berri oo Sabti ah ay Mucaaradka doonayaan inay bannaan baxa qabtaan, sidoo kalena dowladdu ayaa qorsheyneysa inay ka hortagto, waxaana gaadiidka qafilan ay geysay baraha Koontaroolada laga galo Garoonka diyaaradaha oo ah xeyndaabka Madaxda Mucaaradka degan yihiin.