Home Blog Page 347

Muqdisho oo xalay marti-gelisay weeraro isdaba-joog ah oo lagu beegsaday qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda

Xaaladda nabadgelyada ee caasimadda Muqdisho ayaa xalay oo Isniin ahayd, 25 Oktoobar, 2021, gashay weji cusub oo xasaasi ah, ka dib markii weeraro qorsheysan oo is-xigxigay ay ka dhaceen degmooyinka Wadajir iyo Waaberi, kuwaas oo bartilmaameedkoodu ahaa saraakiil iyo shaqaale ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.

Sida ay xaqiijinayaan ilaha dhinaca ammaanka ah, kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa fuliyey weeraradii ugu dambeeyey ee lagu khaarajinayo xubnaha u adeega dowladda.

Sida ay sheegeen ilo wareed, weerarka u horreeyay oo ahaa mid si xirfadeysan loo soo qorsheeyey ayaa ka dhacay Waaxda Timo-cadde ee degmada Wadajir abaare 8:30 – 8:40 fiidnimo.

Goob-jooge magaciisa qariyay ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa bastoolado ay weerar gaadmo ah ku qaaday Sarkaal lagu magacaabo Dhaqane, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Raxmo Cali oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa kale oo uu tilmaamay in xilliga weerarku dhacayey, Dhaqane iyo Xaaskiisa ay kaga degayeen mooto bajaaj afaafka hore ee gurigooda. Sarkaalka ayey wararku xaqiijiyeen in uu isla goobta ku geeriyooday, halka xaaskiisa uu soo gaaray dhaawac culus, iyadoo ay xusid mudantahay in darawalkii mootadii ay la socdeen uu isagana soo gaaray dhaawac fudud, Raxmo Cali iyo Darawalkii mootada ayaa dhaawacii soo gaaray looga dabiibayaa Isbitaalka Madiina.

Saraakiil ammaan ayaa ku xog-warameen in daqiiqado yar ka dib, weerar labaad oo loo adeegsaday qaraxa bambaano nuuca bambo gacmeedka loo yaqaano ayaa ka dhacay degmada Waaberi, gaar ahaan Waaxda Maajo. Weerarkaan ayey wararku sheegayaan in lagu beegsanayay marwo lagu magacaabo Ikraan Xeydar oo ka tirsan Shaqaalaha dowladda gaar ahaan Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. In kasta oo bartilmaameedka koowaad uu badbaaday, hadana bambaanada oo guriga lala beegsaday gudihiisa ku qaraxday waxaa ku dhaawacmay ninka qaba marwadaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Madoobe iyo mid ka mid ah carruurtooda.

Laamaha Amniga Dowladda ayaa sheegay in baaritaanno xooggan ay ka socdaan nawaaxigii ay xalay dhacdooyinkaasi ka dhaceen, iyadoo la dareemayo in kooxda Al-Shabaab oo la aaminsanyahay in ay weeraradaan fulisay ay mudooyinkaan dambe kordhisay isticmaalka xeeladaha qaraxyada iyo toogashada tooska ah ee ka dhex dhaca xaafadaha caasimadda gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Mali's defence minister dead as fighting continues

Mali’s defence minister killed as clashes continue across the country

0
When the Desert Broke Open: Mali's Night of Blasts and an Army in Mourning There are moments when a country’s fragile routine snaps, like a...
How the shooting at Washington gala dinner unfolded

Timeline: How the Washington Gala Dinner Shooting Unfolded

0
Gunfire at a Gala: How a Night of Jokes and Jackets Turned into a Night of Fear The Washington Hilton is a place of soft...
Colombia road bombing death toll rises to 19

Death toll rises to 19 after roadside bombing in Colombia

0
Smoke on the Pan-American: A Highway, a Crater, and a Country on Edge They describe it as if the road itself had been torn open....
US-Iran peace hopes fade as Trump scraps talks

US-Iran peace prospects dim after Trump cancels crucial talks

0
Empty Hands in Islamabad: A Fragile Pause That Never Quite Held The diplomatic quarter of Islamabad smelled, for a few days this week, like fresh...
40 years after the disaster, Chornobyl remains at risk

Four decades on, Chornobyl still faces serious contamination and safety risks

0
Four Decades Later: Chornobyl’s Ghost Still Casts a Long Shadow There are places on Earth where time collapsed the moment catastrophe arrived. Prypiat is one...