Puntland iyo Daacish oo Dagaal xooggan ku dhexmaray Togga Baalade

0
75

Aug 22 (Jowhar) Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xoogan oo dhexmaray ciidanka Difaaca Puntland iyo kooxda Argagixiso ee Daac1sh firxadkooda, oo kujira marxaladii u dambeysay ee dagaal, Tiro ahaana u dhaxeeya 60-70 Argagixiye oo is kala qeybiyey.

Togga Baalade oo ah kan ugu balaaran ee todobaadkan ay ka dhacayaan howlgalada ugu xoogan ayaa laysku helay maanta, iyadoo Argagixisadu ay weyday dhammaan agagaarka bixitaanka oo geesaha looga yimi.

Inta la xaqiijyey khasaare xoogan ayaa gaaray Argagixisada, kaas oo aan wali latirokoobin, iyadoo labaahin doono saacadaha soo socda dhammaadka howlgalkan.

Godadka ay kooxahan kugabanayaan ayay aroornimadii hore ciidamadu awood uga saareen, iyagoo sadex goobood oo qoraxdu dhacdayna ay yihiin kuwa la rumeysan yahay in keydad iyo Talisyo kama dambeys ah u yihiin, ayna yaalan saadka ay wali helaan.