Puntland, Jubaland iyo Madasha Samata-bixinta oo Gole wadajir ah sameysanaya

0
144

Nov 02(Jowhar)-War saxaafadeed si wadajir ah oo usoo saareen Puntaland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa waxay ku baaqeen in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin dhinacyadaas, sidoo kalena sida ugu dhaqsiyaha badan la isugu yimaado shir gudaha Soomaaliya oo aan la caddeyn halka uu ka dhacayo.

War saxaafadeedkan ayaa yimid kaddib shir goordhow Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Xubno ka mid ah Madasha Mucaaradka oo ahaa mid looga arrinsanayay shirka Kismaayo iyo qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh la tagayo.

Arrimaha lagu xusay war saxaafadeedkan ayaa ka mid ah in loogu mahadceliyay dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya u heli laheyd xasillooni iyo horumar.

Sida ka muuqata war saxaafadeedkan ayaa wuxuu falcelin u yahay ka hor natiijada shirka Kismaayo iyo sida ay noqon doonto natiijo kasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh kala soo laabto.