Sunday, March 29, 2026
Home NEWS Q.Midoobe: 45 kun oo qof ayaa ku barakacday xiisadaha Baydhabo

Q.Midoobe: 45 kun oo qof ayaa ku barakacday xiisadaha Baydhabo

42

Mar 29(Jowhar)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 45,000 oo qof oo rayid ah ay ku barakaceen xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo laga qabo xaaladda bani’aadannimo ee sii xumaaneysa, iyadoo dad badan lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda una guuraan meelo ay ku yar yihiin adeegyada aasaasiga ah.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay ilaaliyaan dadka rayidka ah, ayna hubiyaan in gargaarka bani’aadannimo si joogto ah loo gaarsiiyo dadka u baahan, isla markaana aan wax carqalad ah la gelin howlaha samafalka.

Sidoo kale, hay’adaha gargaarka bani’aadannimo ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan joogitaankooda goobaha ay dhibaatadu ka jirto, si ay u gaarsiiyaan adeegyada muhiimka ah dadka ay saameeyeen xiisaduhu.

Qaramada Midoobay ayaa ugu dambeyn ku baaqday in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, si looga hortago in xaaladda bani’aadannimo ay kasii darto.