Qarax Ismiidaamin ah oo xalay lagu weeraray xerada tababarka ciidanka ee Nac Nac

164

Dec 1(Jowhar)-Qarax ismiidaamin ah ayaa xalay ka dhacay xerada tababarka milatariga ee Nac Nac, oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu si dhuumasho ah gudaha ugu galay xerada, kadibna uu isku qarxiyay meel ay ku sugnaayeen dhalinyaro ciidanimo qoranaysay, kuwaas oo qayb ka noqon lahaa tababar ciidan oo halkaas ka socday.

Qaraxa ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidankii iyo dhalinyaradii gudaha xerada ku sugnaa. Tirada saxda ah ee khasaaraha weli lama shaacin, hase yeeshee ilo-wareedyo gudaha ah waxay tilmaamayaan in ay jiraan dad u dhintay iyo kuwo dhaawacmay oo la geeyay xarumaha caafimaadka.

Laamaha amniga weli kama aysan hadlin dhacdadan, mana jiro war rasmi ah oo ku saabsan sida falkaasi u dhacay ama sida uu qofka ismiidaamiyaha ahi ku soo dhex maray ammaanka xerada.

Xerada Nac Nac ayaa dhowr jeer oo hore la kulantay weerarro noocan oo kale ah, inkastoo amniga halkaasi mar kasta la adkeeyo.