Jun 22(Jowhar)- Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay 66 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax ka dhacay xarunta Gaaska ugu weyn ee dalka Qatar.
Goobta ugu weyn ee lagu farsameeyo gaaska dabiiciga ah (LNG) ee magaalada ayaa waxaa soo gaaray cillad farsamo oo ka dhacay aagga warshadaha ee Ras Laffan habeenimadii Axadda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay.
Wasiirka Tamarta ee Qatar Saad Sherida al-Kaabi ayaa sheegay in qaraxa uusan saameyn ku yeelan doonin wax dhoofinta dalkiisa, wuxuuna intaas ku daray in tani ay tahay shil kaliya ee aysan ahayn wax qaran dumis ama cadaawad ka dhalatay.
Dekadda Ras Laffan waa dekedda macmalka ah ee ugu weyn adduunka waxayna leedahay tas-hiilaadka dhoofinta LNG ee ugu weyn adduunka.Waxaa hore lagu bartilmaameedsaday duqeymo ay Iiraan fulisay horaantii sanadkan.
Qaraxan ayaa laga dareemay guud ahaan bartamaha magaalada Doha, isagoo argagax ku abuuray dadka deegaanka oo in ka badan 70km (43 mayl) u jira Ras Laffan.
Sherida al-Kaabi ayaa intaa ku daray in dowladdu ay ka shaqeyneyso sidii loo ogaan lahaa waxa sababay qaraxa ka dhacay xarunta gaaska maxaliga ah ee Barzan, isagoo intaa ku daray in aysan jirin khatar deegaan.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirka tamarta ayaa sheegay inay adkaan doonto in la go’aamiyo goorta ay dib u bilaabmi doonaan hawlahooda.
Waxaa bilowday baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilkan, waxaana Sherida al-Kaabi uu xaqiijiyay in dadka ku dhintay qaraxa ay dhamaantood u dhasheen India iyo Pakistan.
Safaaradda Hindiya ee Dooxa ayaa sheegtay in ay si joogto ah ula xiriirto madaxda Qatar ayna wax walba u fidin doonto qoysaska dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay.
Qaraxa ayaa dhacay iyadoo shaqaaluhu ay dib u billaabayeen howlahooda oo markii hore hakad galay bishii Maarso.









