Feb 20(Jowhar)-Qarax miino ayaa saaka aroortii hore ka dhacay nawaaxiga xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), sida ay xaqiijiyeen ilo amni.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari la sheegay inuu lahaa Taliyaha Caafimaadka Isbitaalka Madiino ee Booliska, Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Afgaduud. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in taliyuhu uusan gaariga saarneyn xilliga qaraxu dhacay, maadaama uu salaad ku maqnaa.
Ilo goob-joogayaal ah ayaa tilmaamay in miinada lagu xiray gaariga xilli uu yaallay aagga, iyadoo ay falka fuliyeen koox aan weli la aqoonsan.
Qaraxa ayaa ka dhacay xarunta gaadiidka Booliska, oo deris la ah taliska NISA. Faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha iyo cidda ka dambeysa weerarka weli lama shaacin.
Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno, iyadoo xaaladda aagga la adkeeyay. Warar dheeraad ah ayaa la filayaa.










