Sep 01 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray caasimadda dalka Serbia ee Belgrade.
Isaga iyo wafdiisa waxaa halkaas uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha Xamze iyo Madaxda Serbia ayaa ka wada hadli doono arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin iskaashiga ganacsiga, wada-shaqaynta dhinaca amniga, iyo is-dhaafsiga tacliinta iyo dhaqanka.